Saacadihii lasoo dhaafay waxaa cirka isku sii shareertay xiisadda colaadeed ee ka aloosan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii la ogaaday in ciidan daacad u ah madaxa kooxda Villa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay duullaan kusoo yihiin deggaannadaasi.
Ugaaska beesha Xawaadle Maxamed, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo saq-barkii xalay shir-jaraaid ku qabtay hoygiisa magaalada Baladweyne, ayaa shaaca ka qaaday in uu ka war-helay duullaan ballaaran oo Gurguurte iyo kooxdiisu ay soo abaabuleen oo kusoo wajahan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan.
Ugaaska ayaa guud ahaan reer Hiiraan ugu baaqay inay qoriga qaataan iskana difaacaan duullaanka kusoo wajahan ee ay soo qaadday kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa kale oo ugaasku baaq u diray askarta ka tirsan DF Soomaailya ee u dhashay beesha iyo guud ahaan gobolka Hiiraan, isagoo faray in dhammaantood ay kasoo baxaan safkaasi, kuna soo biiraan kacdoonka ka socda Baladweyne ee looga hor-tagayo duullaanka Gurguurte.
"waxaa loo baahan yahay inaad difaacataan sharaftiina, iyo jirintaankiina, ciidamada ka soo jeeda beesha Xawaadle waa inay iskugu yimadan magaalada Baladweyne oo ay isoo garab istaagan anigoo ugaaskoodii ah." ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.
Baaqa Ugaaska kadib, gaari Cabdi Bile oo ah oo ay ka buuxeen askar ka tirsan ciidanka sirdoonka ee NISA, ayaa saaka ka goostay safka kooxda Villa Soomaaliya, waxaanay iska xaadiriyeen guriga uu Baladweyne ka deggen yahay Ugaaska beesha Xawaadle.
Sidoo kale baraha bulshada waxaa si weyn ugu faafay ciidana wata gaari Dhayna ah, oo sida la sheegay kasoo goostey ciidanka dowladda ee qaybta 27-aad, kuna biiray kacdoonka Baladweyne, iyagoo iska xaadiriyey guriga Ugaaska oo maanta si weyn loo buux-dhaafiyey.
Xiisadda Baladweyne cirka ayay isku sii shareeraysaa marba marka ka dambaysa, waxaana goor dhawayd lasoo tebiyey in ciidamo fara badan oo daacad u ah Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan, ay dul-dageen lana wareegeen qaybo ka tirsan garoonka diyaaradaha Baladweyne.
Xaaladdan sii cakirmaysa ayaa timid, kadib markii shalay uu magaalada Baladweyne kasoo degay ku-xigeenka madaxa maamulka ashahaado-la-dirirka Hir-Shabeelle C/Fataax Afrax, kaas oo sida la tuhunsan yahay hor-dhac u ah duullaanka Gurguurte doonayo inuu ku qaado gobolka Hiiraan.
